”Markii ugu horreeysey ayaa waxaa la qaaday duullaan ay dejiyeen saraakiisha Soomaalidu” – Maraykanka oo qiray inay kobcayso kartida Ciidanka Somalia

0

(Washington, DC) 03 Dis 2022 – VOA oo ku hadasha Codka DF Maraykanka ayaa qortay warbixin dheer oo ay ku sheegayso in saraakiisha difaaca Soomaaliya ay sheegeen in dalku uu horumar ka samaynayo dhanka dhismaha ciidammo ammaan oo awood u leh inaysan keliya ilaalin hay’adaha Dowladda, balse sidoo kale dalka ku ballaarin kara awoodda Dowladda.

Bartamaha Soomaaliya, ciidamada federaalka oo ay taageerayaan dagaalyahannada maxalliga ah ayaa si tartiib tartiib ah degaanno ugala wareegayay Al-Shabaab tan iyo bishii Agoosto.

”Duullaanka ciidan ee hadda socda ayaa ah mid gebi ahaanba ay qorsheeyeen misna ay fulinayaan taliyayaasha Soomaalida iyo ciidamada degaanka, waana guul la taaban karo oo kor u qaadaysa kalsoonidooda.” ayaa lagu qoray VOA qaybta Ingiriiska.

“Argigixisada jab xooggan ayaan gaarsiinnay, waxaana ka saarnay dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada, gaar ahaan Hiiraan, taasoo xudun u ahayd howlgalka,” ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay VOA-da, isagoo hadafka ugu dambeeya ku sheegay argagixisada laga saaro Soomaaliya lana ciribtiro, sida uu yiri.

VOA ayaa qirtay in guusha ciidamada Somalia uu xuddun u yahay tababarka Turkiga iyo sidoo kale Maraykanka.

Sebtembar 30, 2017, Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgeliyey xarunta ugu wayn ee lagu tababaro ciidamada ee uu dibadda ka sameeyo. Turkiga ayaa ilaa hadda tababaray 5,000 oo kamaandoos ah oo loo yaqaan Gorgor. Si loo xoojiyo hoggaanka iyo taliska, Turkigu wuxuu kaloo tababaray 316 sarkaal iyo 392 sarkaal-xigeen.

Koorsooyinka tababarka ayaa weli sii socda, waxaana xarumaha qorista ciidamada ee ku yaala Muqdisho ay soo jiidanayaan dhallinyarada jaamacadaha kasoo baxay, ayaa lasii raaciyey qoraalka VOA.

Shalay ayay ahayd markii bayaan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho lagu sheegay in Maraykanku uu saadka ka caawinayo ciidamada dagaallamaya oo dhulal badan qabsaday qaarna weerar ku ah, gaar ahaan Danab.

Hadalsame Media