Maraykanka oo shaaca ka qaaday meel uu ka caawin doono Ciidanka Xoogga Dalka Somalia

0

(Muqdisho) 02 Dis 2022 – Maraykanka ayaa sheegay inuu hal arrin ka caawinayo Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu saadka ka caawinayo ciidamada dagaallamaya oo dhulal badan qabsaday qaarna weerar ku ah, gaar ahaan Danab.

“Weerarrada taariikhiga ah ee Soomaaliya ee nabadda & amniga dadkeeda waxay sii heli doonaan taageerada Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaan kooban.

“Waxaa ku jirta saad siinta Ciidanka XDS ee Danab si aysan u hakan gaadiidka dagaalku iyo in askartu noqdaan kuwo ku habboon dagaalka.” Ayaa la raaciyey.

Maraykanka oo dhammaadkii mudo-xileedkii Trump ciidankiisa la baxay ayaa dib usoo laabtay markii la dhaariyey MW Somalia ee Xasan Sheekh.

Hadalsame Media