”Waa ku macaan tahay” – Taageerayaasha Ingiriiska oo ku farxay inuu Jarmanku ku haray gool khalad ah (Sababta ay ugu caraysan yihiin?)

0

(Dooxa) 02 Dis 2022 – England fans have revelled in Germany’s shock World Cup exit after they were knocked out on goal difference.

Jamaahiirta xulka qaranka England ayaa si lama filaan ah ugu dabbaaldegay guuldarradii lama filaanka ahayd ee Xulka Qaranka Germany uu kaga haray Koobka Adduunka kaddib markii lagu soo reebay farqiga goolasha.

Jarmalka ayaa 4-2 kaga badiyey Costa Rica in kasta oo ay ciyaartu lahayd xoogaa xiisado muran dhalis ah, iyadoo Japan ay 2-1 shaki ku jiro kaga badisay Spain taasoo ah sababta wiilasha Hansi Flick looga soo diray Qadar.

Muran ayaa ka dhashay ciyaartii Japan ay ka badisay Spain, kaddib markii ay Jarmanku ka cowdeen in kubaddu ay khadka ka baxday kahor inta aan kubbad dadab  gaaban ah lasoo dhigin taasoo uu dhaliyey Ao Tanaka waana goolka guusha.

Haatan, jamaahiirta England oo Jarmanka u ciil cunsanaa ayaa waxay dhacdadan barbar dhigeen wax ay u yaqaannaan ”goolkii rooxaanta” ee uu dhaliyay Frank Lampard 2010-kii, kaas oo xarriiqda ka gudbey, laakiin lama siinin Ingiriiska, taasoo keentay in Three Lions ay wareega 16-ka uga haraan 4-1.

Mid baa soo tweet gareeyey: ”Tan waxaan u qaadanaynaa goolkii rooxaanta ahaa ee Lampard ee 2010. Waxa laga yaabaa in nabsigani qaatay 12 sano, laakiin in la arko Jarmanka oo sidan ku haraya waa wax dhadhan fiican.”

Hoos ka eeg fal-celinta taageerayaasha Ingiriiska oo iyagu soo baxay…

Hadalsame Media