Kartuun yaab leh oo caalami ah oo laga sameeyey sida ay Somalia & Jabuuti ugu wareersan yihiin Jaamacadda Carabta (Daawo)

0

(Hadalsame) 02 Dis 2022 – Waxaa kartuun caalami ah oo nooca dhaqaaqaya ah laga sameeyey xaaladda Somalia iyo Jabuuti ee ururka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta.

Kartuunka ayaa muujinaya labadan dal oo ku wareersan waxa ay sheegayaan dalal ay ka mid yihiin Sucuudiga, Masar, Imaaraadka IWM.

Waxaa marka hore hadal aan la fahmi karin ku qaylinaya Sucuudiga kaddibna dalalka kale ee aannu xusnay:

Deeto Jabuuti ayaa Somalia waydiinaysa: ”Muxuu sheegayaa?” Kaddibna Somalia ayaa leh: ”Aad baan uga caqli badan nahay markaas ayay dabbaallo noola muuqdaan.”

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media