RASMI: UEFA oo furtay baaris ka dhan ah Juvetus & Heshiis lala galay oo la baabi’in karo (3 baaritaan oo hadda ku socda)

0

(Nyon) 02 Dis 2022 – Xaaladda ayaa kusii xumaanayaan Juventus, iyada oo UEFA ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in baaritaan rasmi ah ku samaynayso kooxda taasoo la xiriirta xadgudubka suurtagalka ah ee shatiga ay kooxdu u qaadatay tartamada Yurub iyadoo si been ah ku dhinac martay nidaamka FFP.

Kooxda Serie A-da ayaa durbaba waxay baarisi uga socotey gudaha Talyaaniga, waana laba dhinac oo kala ah sharciga caadiga ah iyo dhanka isboortiga, kuwaasoo eegaya khalkhal iyo wax is dhaafdhaafin dhaqaale oo suurtagal ah.

Hadda UEFA ayaa waxay sidoo kale si rasmi ah u furtay baaritaan, iyadoo xustay inay diiradda saarayso labadaba ku xadgudubka sharciga Financial Fair Play iyo xeerarka ku xeeran shatiga Naadiga oo aan la buuxin shuruudihii lagu qaatay.

Baaritaannada ayaa sidoo kale taaban doona ilaa laba walaac, tan koowaadi waa sicir bararinta raasumaalka dakhli ee kooxda, taasoo ku saleysan khidmadaha kala iibsiga ciyaartooyda iyadoo si macmal ah loo kordhiyo qiimaha ciyaartooyda lagu kala iibsadey.

Midda labaad ayaa ah warbixinnada sheegaya in waloow ay Juve sheegtay inay ciyaartoyda kula heshiisey inay dhimaan mushaharkooda intii lagu jirey xasaradda COVID-19 ay mushahar ku siinaysey miiska hoostiisa iyadoo aan miisaaniyaddeeda ku xusin.

“CFCB waxay furtay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan Juventus FC gaar ahaan dhanka jebinta suurtagalka ah ee shatiga naadiga iyo sharciyada caddaaladda maaliyadeed.” ayaa lagu yiri bayaanka.

UEFA ayaa xitaa ku doodday inay ka laaban karto xeer-jajab ay 23-kii Agoosto 2022 wada galeene CFCB, oo ah hay’adda la socodka maaliyadda naadiyada ugu qaybsan UEFA iyo Juve, maadaama ay cilladaysan tahay xogta maaliyadeed ee sanadlaha ah ee ay Juve gudbisey ee 2018, 2019, 2020, 2021 iyo 2022.

Hadalsame Media