Maraykanka oo calaamaystay dal uu raadin doono gantaalaha uu rido + Ujeedka

0

(Washington, DC) 01 Dis 2022 – Ciidamada Hawada Sare ee Maraykanka ayaa ka shaqaynaya sidii ay u abuuri lahaayeen hannaan digniin hore bixiya oo ay ogaan karaan gantaalaha Kuuriyada Woqooyi, sida uu taliye sare shaaca ka qaaday, isagoo rajaynaya in la kordhiyo sahanka kaddib markii ay tijaabooyin badan oo aan horay loo arag ay samaysay Pyongyang sanadkan.

Isagoo ka hadlaya siminaar uu qabtay machadka Mitchell ee daraasaadka hawada sare ee fadhigiisu yahay Washington Talaadadii, madaxa taliska hawada sare ee Maraykanka General James Dickinson ayaa wuxuu qeexay qorshayaasha gobolka Indo-Pacific, halkaas oo ay ka dhisteen saldhig-qaybkeedkii ugu horreeyey abid todobaadkii hore.

“Waxaan eegeynaa si aan dareen wadayaal u dhexgelino hannaankeenna kaas oo na siinaya digniinta ugu deg degta badan ee suurtogalka ah marka la eego nooc kasta oo dhaqdhaqaaq gantaal ah oo ay samayso Woqooyiga Kuuriya,” ayuu yiri, isagoo xusay in Washington ay la wadaagi doonto macluumaadkaas saaxiibbada gobolka iyo xulafada si ay u raadiyaan siyaabo in “la iskugu daro nidaamyada saadaalaha kale ee caadiga ah iyo tan.”

In kasta oo Ciidanka Hawada Sare kaliya ay aasaaseen unug-hawleedkoodii ugu horreeysey ee Indo-Pacific joogta maalmo uun kahor, misna Dickinson wuxuu sheegay in laantu ay horraanba ay “xiriir wada shaqayn” ay la leedahay millateriga kala duwan, ayna sii wadi doonto horumarinta xiriirkaas.

Hadalsame Media