Saxaafadda Serbia oo sheegtay sababta loo safi la’yahay Vlahovic (Maxaa dhex maray isaga iyo xaaska goolwale Rajkovic?)

0

(Dooxa) 01 Dis 2022 – Xidigga Serbia ee Dusan Vlahovic ayaa ka jawaabey wax uu ku sheegay ”hadal aan waaqici ahayn” oo sheegaya in sababta loo ciyaarsiin la’yahaya ciyaaraha Koobka Adduunka ay sabab u tahay xiriir gogol-dhaaf ah oo uu la leeyahay xaaska laacib ay isku koox yihiin.

Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa kaydka kusoo bilowday labadii kulan ee Koobka Aduunka ee heerka group-yada isagoo xitaa ku guuldarraystay inuu soo galo garoonka kulankii ay dhowaan 3-3 la galeen dalka Cameroon.

Marka la eego bandhigga weeraryahanka – iyo qaabkii cajiibka ahaa ee uu dheelayey beryihii dambe – ka reebistiisa safka hore ayaa waxay dhalisay su’aalo ay si deg deg ah uga jawaabeen warbaahinta Serbia oo arrintan wax ka qortay.

Waxay soo wariyeen in sababta Vlahovic loo ciyaarsiin la’yahay ay tahay isagoo lagu qabtay inuu xiriir la leeyahay xaaska goolhayaha kaydka ah ee qaranka Serbia ee Predrag Rajkovic – laakiin weeraryahanka ayaa meesha ka saaray sheegashadaasi, isagoo wax ma tarayaal ku tilmaamay dad uu ku sheegay ”kuwo ka faa’iidaysanaya magaciisat.”

Haweeneyda su’aasha la geliyey – Ana Cakic – ayaa sidoo kale baraha bulshada qoraal soo dhigtay si ay meesha uga saarto sheegashadan, taa badalkeedana waxa ay ku adkaysatay in ay wiilkeeda isbitaal kula jirtey bishii ugu dambaysey.

Hadalsame Media