Arrin ay shalay sameeyeen ciidamada ATMIS oo mar kale dood gelinaysa isku hallayntooda

0

(Muqdisho) 01 Dis 2022 – Ciidamada ATMIS ayaa shalay in yar kaddib duhurkii waxay isgoyska Ceelasha Biyaha ku jiireen wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Faarax oo goob ganacsi ku lahaa halkaasi.

Marxuumka oo uu dhaawac halis ihi soo gaarey ayaa loo la cararay isbitaalka, halkaas oo uu ku geeriyoodey saacado kaddib.

Wiilka la jiirey ayaa wuxuu ahaa jaamici soo bartay cilmiga Maaraynta Ganacsiga, ayaa la sheegay inuu sidoo kale ahaa ahaa udub dhaxaadkii ay maaliyad ahaan ku tiirsanaayeen dhammaan qoyska intiisa kale.

Eheleda marxuumkan inta la jiirey laga cararay, ayaa Dowladda Soomaaliya iyo qof kasta oo ay khusayso ka codsanaya inay ku dadaalaan islamarkaasna xaqiijiyaan sidii ay qoyska marxuumkaasi u heli lahaayeen cadaalad.

Ciidamada shisheeye ee ka socda Afrika ayay marar badan dhacdaa inay dad jiiraan kaddibna ka cararaan, taasoo ka hor imanaysa magaca ay sitaan oo ah ”nabad ilaalin.”

Wiilka dhintay ayuu maydkiisu haatan ku jiraa qaybta qaboojinta ee Isbitaalka Guud ee Digfeer.

Hadalsame Media