WAYNAYSADA HOOSTEEDA: Tan iyo May sanadkan, 3 weerar oo isu wada qaab eg oo dhacay iyo hal natiijo oo ay ku dhamaadeen

0

(Muqdisho) 29 Nof 2022 – Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Villa Rossa ayaa noqonaya kii 3-aad ee argagixisanimo ee lagu qaado hotel ku yaala magaalada Muqdisho tan iyo markii MW Xasan Sheekh markale la doortay bishii Maajo ee sanadkan 2022-ka.

Waxaa haddaba la is waydiinayaa in tani ay tahay xeelad cusub oo ay Al Shabaab qaddiyadoodii oo idil ugu wareejiyeen in Hoteel rayid deggan yahay weeraraan si ka duwan wixii ay sheegayeen oo ah inay gaalo la hardamayaan. Waxaa kale oo la tuhunsan yahay inay hub badan qaab qarsoodi ah, ama lagala shaqeeyey, ugu sii dhex kaydiyaan hoteelka ay weraraan iyagoo marti iska dhigaya waayo muddo  maalmood ka badan laguma dagaallami karo rasaas uu qofku markaa wato, sida ay sheegeen ilo ammaan oo is qariyey.

Waxaa sidoo kale jirta far ku godan Nabad Sugidda NISSA. Waayo seddaxdan waxaa mar kasta dhacaysey in aan wax raad ah laga helin kooxihii weerarka soo qaaday marka laga reebo in ay booliisku iska yiraahdaan waa la laayey iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay goobta qaarkood ka baxaan iyagoo bed qaba kaddib weerarka, in guriga la weeraro aanay waxba ka caymin mood iyo noolba oo la wada burburiyo.

Waxaa kale oo ay iskaga mid yihiin in weerarka lagu qaaday meelo aad ammaan u ah oo dhowr lakab oo baaris ah leh kuwaasoo ay adag tahay in laga fisho weerar ka dhaca ama in si sahal ah lagu geli karo.

RW Xamse Barre oo horay u ballanqaaday isla xisaabtan ayaan dhammaan weeraradaas kaddib wax tillaabo ah qaadin, isagoo habeenkii weerarka lagu hayey Hotel Xayaat Turkiga la dabbaaldegayey, halka MW Xasan Sheekh uu shalay ka khudbaynayey shir lagu sheegay ”maalgashi” caalami ah, anagoo og sida aysan isu qaadanayn ammaan darri iyo maalgashi caalami ah.

Hadalsame Media