Kooxda Juventus oo lagu haysto arrimo culus oo ganaax wayn ay ku mutaysan karto (Maxaa dhacay?)

0

(Torino) 29 Nof 2022 – Xaaladda Juventus ayaa kacsan kaddib markii ay is wada casileen maamulkii kooxdaasi nin MW ANDREA Agnelli, ilaa PAVEL NEDVED iyo dhammaan xubnihii Guddiga Maamulka (CDA).

Maurizio Arrivabene ayaa si KMG ah howsha usii wadi doona inta lagu jiro xilliga kala guurka, halka Maurizio Scanavino uu ahaan doono Maareeyaha Guud.

MAXAA HADDABA KA DHACAY XERADA JUVE?

Wararku waa iska soo daba dhacayaan, balse marka Aad akhrido bayaannada, waxay caddaynaysaa in arrintani aysan ahayn mid ku saabsan baarista ku socota dakhliga raasumaaliga ah – sida qiimaha kala iibsiga ciyaartoyda ee la cayiliyey – laakiin waxaa kooxdan haysata arrin taa aad uga sahlan in la caddeeyo oo misna lagu ganaaxo.

Bilihii Maajo iyo Juun 2020, 23 ciyaaryahan oo kooxda ah ayaa saxiixay heshiisyo lagu dhimayo mushaarkooda muddo afar bilood ah intii lagu guda jirey masiibada COVID-19 si ay kooxda uga ”caawiyaan” kooxda inay ka gudubto xilligan adag.

Taa bedelkeeda, waxaa la soo wariyey oo ay xaajaduna u egtahay in Juve ay caddayn kari la’dahay wax ka badan in ciyaartooydeedu ay ka tanaasuleen kaliya mushaarka hal bil.

Waxaa kale oo soo baxday in Juve ay mushaharka ku bixinaysey qaabka loo yaqaan ‘miisaaniyadda madow’ – taas oo u oggolaanaysa ciyaartoyda iyo naadiga inay la gooyaan canshuuraha ku waajibey, laakiin intaa kuma harine sidoo kale waxay been-abuureen biilka mushaharka si ay ugu muuqato in buugaagtu ay isu dheelitiran yihiin (fake balance sheet).

Haddii dhab ahaantii ay rani jirto oo lagu caddeeyo, waxay noqon doontaa khiyaamo ama wax is dhaafdhaafin maaliyadeed (financial fraud).

Baaritaanka lagu sameeyey arrintan ayaa ku bilowday warbixinno ku saabsan heshiis ‘qarsoodi’ ah oo ay la galeen Cristiano Ronaldo kaasoo ay ku siinayeen mushaaraad dheeri ah iyo gunnooyin ka baxsan mushaarka rasmiga ah ee qoran.

SAAMAYNTA SUUQ JIILAALKA?

Juventus ayaa waxaa si KMG ah usii wadaya Maurizio Arrivabene, iyadoo aan Guddiga Maamul ee kooxda aan la dhisi doonin kahor 18 Jannaayo, taasoo ka dhigan in aanu jiri doonin qof kooxda go’aan u gaari kari doona inta badan xilligan oo lagu jiro suuq jiilaalka, xilli macallin Max Allegri iyo taageerayaasha Bianconeri ay filayeen in kooxda oo safka hore soo gashay wax lagu soo kordhiyo.

Juve ayaa sidoo kale mudan karta ganaax culus oo ay xitaa ku jiri karto in hoos loo celiyo ama dhibco laga jaro + ganaax maaliyadeed.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media