Ciyaarta Portugal vs Uruguay oo muddo u rigaysnayd nin lasoo galay farriimo aan la ogolayn + Sawirro

0
LUSAIL CITY, QATAR - NOVEMBER 28: Rodrigo Bentancur of Uruguay shoots the ball against Diogo Costa of Portugal during the FIFA World Cup Qatar 2022 Group H match between Portugal and Uruguay at Lusail Stadium on November 28, 2022 in Lusail City, Qatar. (Photo by Justin Setterfield/Getty Images)

(Dooxa) 28 Nof 2022 – Taageere sita calanka qaanso-roobaadka ayaa kusoo orday garoonka intii lagu jirey ciyaarta Portugal vs Uruguay ee Koobka Adduunka, taasoo sababtay in la joojiyo ciyaartan Group H wax yar kahor inta uusan Cristiano Ronaldo  gool ku furin ciyaarta oo haatan 1-0.

Kulankan oo u dhexeeya Portugal iyo Uruguay ayaa la isku daaley kaambiyadii hore oo 0-0 lagu kala nastay.

Taageerahan ayaa markiiba garoonka laga saaray isagoo marka calanka uu walfinayey oo garoomada Qadar ka mamnuuca ah sidoo kale watey funaanad ay ku qoran tahay “Badbaadi Ukraine.”

Dalal badan ayaa Qadar ku cadaadinaya in la aqbalo shacaa’irtooda gaar ahaan kuwa Galbeedka oo aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka.

LUSAIL CITY, QATAR – NOVEMBER 28: Rodrigo Bentancur of Uruguay shoots the ball against Diogo Costa of Portugal during the FIFA World Cup Qatar 2022 Group H match between Portugal and Uruguay at Lusail Stadium on November 28, 2022 in Lusail City, Qatar. (Photo by Justin Setterfield/Getty Images)

Hadalsame Media