Arrin weji gabax ku noqonaysa qorshe uu ka shaqeeyey MW Somalia oo dhacday

0

(Muqdisho) 29 Nof 2022 – Waxaa dhacday arrin murugo badan oo ka baxsan dhammaanba xeerarka dagaalka kaddib markii gabar dhallinyaro ah oo la yiraahdo Safiya Sheikh Abukarow, walaalkeed oo saqiir ah oo la oran jirey Abuukar Iidow, adeerkeed Sheekh Muxammed Sheekh Cabdi Cali, iyo ayaydeed Sangaabo Maxmuud Xuseen lagu laayey tuulada Xaluule ee Degmada Warsheekh.

Safiya Sheekh Abuukaroow, Walaalkeed Abuukar Iidow, Adeerkeed Sheekh Muxamed Sheekh Cabdi Cali, Ayeeyadeed Sangabo Maxamuud Xuseen ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay tuulada Xaluula ee degmada Warsheekh.

Waxaa jira dhibbane shanaad oo aan la magacaabin, balse waxaa sidoo kale la rumaysan yahay inuu ka tirsan yahay isla qoyskan. Raggii hubaysnaa ee qoyska xasuuqay ayaa baxsaday.

Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin oo laga helayo dadka degaanka, xasuuqan foosha xun ee xeer-dhaafka ah ayaa la xiriira shaqaaqo beeleed dhowaan ka dhacday degmada Cadale oo iyana ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa ka walaacsan in weerarkani uu wax u dhimo heshiiskii nabadeed ee uu ka shaqeeyey Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo Degmada Cadale lafteeda tegey dabayaaqadii todobaadkii hore, iyadoo tani ay noqonayso ballan-fur iyo weji gabax lagu sameeyey Xasan laftiisa.

In ka badan 50 qof ayaa lagu diley dagaalkan beeleed ee micne darrada ah ee ka dhacay Degmada Cadale kaddib markii ay halkaa isaga baxeen dagaalyahannada Al Shabaab oo ay ahayd in ciidamadan is laynayaa ay la dagaallamaan.

Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran dhul.

Sawirka gabadha la diley
Hadalsame Media