”Kuwaasi waa na dhibeen” – Dadka Kenyan-ka ah oo la waydiiyey dalka ay dunida ugu NECEB yihiin (Daawo)

0

(Nairobi) 25 Nof 2022 – Shacabka Kenya ayaa mikrafoonka lala dhex qaaday si loo waydiiyo hal su’aal oo ku saabsan dalka ay dunida ugu neceb yihiin?

Dadka Kenyan-ka ah oo shacab ahaan lagu tilmaamo qaar qunyar socod ah, ayay dadkii la waraystay ka hadleen dalalka uu midkoodba neceb yahay, waxaana ugu sara maray dalalka Sudan iyo Somalia oo ay sheegeen inay rabshadaha iyo dhibka ku neceen.

Halka uu ku xigo dalka Tanzania oo ay sheegeen inay Kenyan-ka ula dhaqmaan si aan u dhigmin sida ay iyagu ula dhaqmaan dadka Tanzania.

Mid baa la waydiiyey waxa uu Somalia ku nacay wuxuuna ku jawaabey ”dadkaasi waa na dhibaan.”

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media