”Nasiib ayay leeyihiin haddii aan fiise siinno” – Kenya oo qaab bahdil ah ula dhaqanta dadka Somalia ka yimaada (Aaway heshiiskii?)

0

(Nairobi) 26 Nof 2022 – Dowladda Kenya ayaa heshiisyo badan la gasha madaxda DF Somalia, kuwaasoo uu ugu dambeeyey kii ay kala saxiixdeen MW haatan ee Xasan Sheekh oo Kenya u orday kahor xitaa intii aan la dhaarinin.

Waxaa heshiiskaa ka mid ahayd in la fududeeyo isu socodka shacabka labada dal, halka Kenya ay aad diiradda u saaraysey in loo fasaxo Jaadka oo ay ka xirtey xukuumaddii ka horreeysey Xasan Sheekh ee Farmaajo.

DF Somalia iyadu dhankeedii waa ka fulisey waxyaabihii ay kala saxiixdeen oo Jaadka Kenya wuxuu durba balaayiin Shilin soo geliyey khasnahada Kenya, halka Somalia laga iibiyey sun cagaaran oo dad iyo dhaqaaleba ay ku beeshay.

MAXAA KA QABSOOMAY QODOBKII UGU MUDNAA EE KENYA LAGA DOONAYEY?

Weriye Cabdiqaasim Macallin oo isagu si joogto ah u taga dalkaasi ayaa ka warramaya wixii uu ku arkay halkaasi:

”Waxaan maanta garoonka Jooma Keenyaata ee Nayroobi ku arkay Soomaali fara badan oo inta ummadihii kale dhinac looga soocay garoonka ku silacsan.

”Waa dad todobaadyo sugayey in ay fiisaha Kenya helaan, laakiin markii la siiyay oo ay garoonka yimaadeen, ayaa inta dhinac looga saaray safarreydii kale laga aruurshay waraaqihii fiisooyinka ee ay wateen, si loo soo hubiyo sax ahaanshahooda – waa howl saacado qaadan karta.
”Isla xilligaas waxaa si xarraga leh baasaboorrada loogu dhufanayaa fiisooyin madax Soomaali ah oo isugu jira qaar baasaboorra shisheeye wata iyo kuwa dibomaasi wata!

Sarkaal Kenyan ah oo aan weydiiyay sababta dadka Soomaalida ah loo takooray (inkastoo aan ogahay), ayaa isagoo igu qoslaya igu yiri:

”Intaani waa kuwii aadka u nasiib badnaa oo loo oggolaaday in ay Kenya soo galaan.”

Hadalsame Media