Arrin ay sameeyeen ciyaartooyda Iran kahor ciyaartii ay Wales ka badiyeen oo fal-celin lama filaan ah keentay + Sawirro

0

(Dooxa) 25 Nof 2022 – Ciyaartoyda Iran ayaa ku heesay heesta calanka kahor kulankii Wales iyadoo ay  taageerayaashoody ay foori iyo oohina uga jawaabeen gudaha garoonka Axmad Bin Cali.

Ciyaartoyda ayaa si muuqata uga aamusay astaanta calanka kahor guuldarradii Isniintii kasoo gaartey England, laakiin waxay si aan kala caddayn u heeseen Jimcahan kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay la kulmi karaan tillaabooyin aargoosi ah haddii ay mar kale aamusaan.

Aamusnaantoodii Isniintii ayaa loo arkay inay astaan ​​u tahay taageerada dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada ah ee ka soconaya Iran kaddib geeridii Mahsa Amini oo ahayd 22 jir lagu dhex diley xabsiga bishii Sebtembar.

Mehdi Chamran, oo ah Gudoomiyaha Golaha Degaanka Tehraan, ayaa Talaadadii sheegay in aan marnaba DIB dambe loo ogolaan doonin in qofna uu aflagaadeeyo heesta iyo calankooda, isagoo ku faanay in ilbaxnimadoodu ay leedahay taariikh soo taxnayd kumannaan sano.

Ciyaartoyda ayaa heesay markii astaanta calanka Iran la garaacay kahor kulankoodii ay 2-0 direen Wales, balse taasi waxaa barbar socdey sawaxan iyo foori. Qaar ka mid ah taageerayaasha Iran ee ku sugnaa gudaha garoonka ayaa xitaa ilmeeyey.

Qaar kale ayaa yimid iyagoo sitey calammo ay kaga soo horjeedaan dilkii Aamini, waxaana la arkayay iyadoo ay la hadlayaan ilaalada amaanka Koobka Adduunka. Mid ka mid ah wakiillada ayaa la arki karay isagoo la hadlaya nin sitey boor ay ku qoran yihiin “haweenka, nolosha, iyo xorriyadda.”

Hadalsame Media