Ruushka oo Turkiga uga digey arrin uu ka wado dalka Suuriya (Maraykanka oo uu u baaqay)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2022 – Ankara ayaa loogu baaqay inay isku daydo inay iska ilaaliso inay “xoog xad dhaaf ah” u adeegsato weerarradeeda millateri ee ay ku beegsanayso bartilmaameedyada Suuriya si ay uga fogaato in ay xaaladdu kasii darto, sida uu sheegay sarkaal sare oo Ruush ah goor dhow.

Alexander Lavrentyev, oo ah ergayga gaarka ah ee Madaxwaynaha Ruushka u qaabilsan Suuriya, ayaa ka codsaday Turkiga “inay muujiyaan is xakamayn si looga hortago xiisadda sii kordhaysa, mana aha oo kaliya gobollada woqooyiga iyo waqooyi-bari ee Suuriya, laakiin dhammaan dhulkaa oo dhan,” sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee RIA.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed loo helo “arrinta Kurdiyiinta” wuxuuna caddeeyey in Ruushku uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada wax danaynaya.

“Waxaan rajaynaynaa inaan ku qancinno saaxiibadeenna Turkiga inay ka fogaadaan inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dhulka Suuriya,” ayuu raaciyey.

Ergayga Ruushka ayaa sidoo kale xusay in joogitaanka “sharci-darrada” ee ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay si wayn u wiiqayso xasilloonida gobolka.

Waxa uu soo jeediyey in haddii ciidamada Washington ay ka baxaan woqooyiga bari ee dalkaasi, ay gacan ka gaysan doonto dejinta xaaladda.

Hadalsame Media