RASMI: Qandaraaskii Ronaldo iyo Man United oo la fasaqay

0

(Hadalsame) 22 Nof 2022 – Weeraryahanka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa go’aan si si deg deg ah u hirgelaya uga tegaya Manchester United.

Go’aanka ayaa daba socday waraysi muran dhaliyey oo uu 37-sano jirkani ku dhaleeceeyey kooxda isagoo sheegay inuusan wax ixtiraam ah u hayn tababare Erik ten Hag.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in bixitaanka Ronaldo uu yahay “mid la isku raacay” fasiqitaankiisa.

“Kooxdu waxay uga mahadcelinaysaa wax-qabadkiisii ​​wacnaa ee labadii xilli ee uu ku sugnaa Old Trafford,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Manchester United.

Waxay u rajeeyeen “isaga iyo qoyskiisa mustaqbal wanaagsan” waxayna ku dareen “in qof walba oo Manchester United ihi uu weli diiradda saarayo sii wadida horumarinta uu wado Erik ten Hag iyo in laga wada shaqeeyo sidii guulo loogu gaari lahaa garoonka”.

Ronaldo ayaa kula jira xulka Portugal ee ka qaybgelaya Koobka Adduunka Qatar, waxaana lagu wadaa inuu kabtan u noqdo kulanka furitaanka Group H ee Ghana Khamiista.

Waxa ka haray wax ka badan 7 bilood qandaraaskisa United oo uu isbuucii ku qaadanayey £500,000, bixitaankiisuna waxa ay ka dhigeysaa mid xor u ah inuu u saxiixo koox kasta oo kale marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee bisha Janaayo.

“Kaddib wada hadallo aan la yeelannay Manchester United waxaan si wadajir ah ugu heshiinney in aan xilli hore soo afjarno qandaraaskeenna” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ronaldo.

Hadalsame Media