Kenya oo ka hadashay cidda u macaamil fiican MW Xasan & Farmaajo (Faragelinta oo ay hakinayso iyo derbiga xadka oo ay…)

0

(Nairobi) 22 Nof 2022 – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sida ay u aragto derbiga laga dhisayo xad-beenaadka Somalia-Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga, Aadan Ducaale, ayaa ku tibaaxay barnaamij qadiimi ah. “Waxaan hadda ula shaqaynaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qaab derbigan ka wanagsan oo casri ah, anagoo kaashanayna saaxiibada kale ee horumarinta si loo abuuro amniga xuduudaha, sidoo kalena la furayo marinno xuduudeedyo kale sida Kiunga, Liboi iyo Mandera,” Ayuu yiri isagoo xusay inay derbiga joojin doonaan.

Waxa uu xusay inay arrintan ka qaybqaadan doonaan wasaaradaha kala duwan ee Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Dibedda si loo xaqiijiyo in la helo hab ammaan oo dhammaystiran.

Waxaa Ducaale la waydiiyey sida uu isu barbardhigi karo la shaqaynta Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Inkasta oo ay run tahay in Farmaajo heer shakhsi uu saaxiib ila yahay, anigu ma taageersani madax gaar ah, balse waxaan mar walba la shaqeeyaa dowladdii xilligaa jirta,” Ayuu ku jawaabey.

“Madaxwayne Xasanna waa i yaqaan. Wuxuu noo muujiyey inuu niyad wanaag kula shaqaynayo Dowladda Madaxwayne William Ruto, waana soo dhawaynay.

“Dowlad ahaan ma faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Waxaan ula macaamilaynaa oo kaliya danta labada dhinac iyo deris wanaagga.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media