Imaaraadka & Kenya oo mar kale muujiyey inaysan jeclayn dhismaha Ciidanka Somalia (Maxaa dhacay?)

0

(New York) 18 Nof 2022 – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay u codeeyey in cunaqabataynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya.

Go’aankan ayay si oo ay si wayn uga soo horjeesatey DF Somalia oo sheegtay in Al Shabaab looga adkaan karo qalabaynta CXDS iyo kuwa kale ee qalabka sida.

Haddaba, waxaan idiin haynaa liiska dalalka haatan ku jira Golaha Amaanka oo kala ah 10 meerto ah iyo 5 rigli ah. Kenya iyo Imaaraadka ayaa ka mid ah kuwa Somalia ka codeeyey.

Dalalka u codeeyey in Somalia lagu sii hayo cunaqabateynta hubka:

🚫1. Kenya
🚫2. Imaraatka Carabta
🚫3. Mareykanka
🚫4. Ingiriiska
🚫5. Faransiiska
🚫6. Albana
🚫7. India
🚫8. Ireland
🚫9. Mexico
🚫10. Norway
🚫11. Brazil

4 Dal ayaa ka gaabsaday;

1. China
2. Ghana
3. Gabon
4. Russia

Hadalsame Media