Maraykanka oo go’aan lama filaan ah ka qaatay eeddii MBS ee khaarajinta Jamaal Khashuuqji (Bayaan)

0

(Hadalsame) 18 Nof 2022 – Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo ay ku sheegayso in Maxamed Bin Salmaan oo loo haysto khaarajintii Jamaal Khashuuqji uu leeyahay xasaanad.

Xasaanaddan ayaa MBS oo haatan ku magacaaban RW Sucuudiga oo ah jago dartii loo yabyabay, balse ah ninka xukuma dalkaasi aan lagu soo oogi karin wax dacwad ah inta uu xilka hayo.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa qoraalkeeda ku xustay inay codsiga xasaanadda ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka si ay warqadda xasaanadda ugu gudbiyaan Maxkamadda Degmada.

Waxay qaybaha bayaanka ugu dambeeya ku sheegeen in Wasaaradda Cadaaladdu ay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ah inay si aan ka leexleexad lahayn ay u cambaaraynayso dilkii Khashuuqji oo bogle ka ahaa warqaadka Washington Post iyo qaar kale.

Tillaabadan ayaa u muuqata inuu Maraykanku ku ilaashanayo danaha uu ka leeyahay Sucuudiga si uu u wanaajiyo xiriirka kala dhexeeya oo mugdi ku jirey tan iyo dilkii weriyahan afar sano kahor, waxaase la yaab leh in Biden uu ka baxay ballantiisii ahayd inuu ”Sucuudiga fariisinayo booskiisa.”

Hadalsame Media