(Hadalsame) 18 Nof 2022 – Xulka Qadar ayaa soo kiraystey taageereyaal dalal kale ka yimid si ay u buuxiyaan garoomada ciyaaraha Koobka Adduunka marka ay ciyaarayaan.
Taageere kasta oo kiro ihi wuxuu heli doonaa USD $10 Doollar iyo saddex cunto maalintii taasoo ay dheer yihiin hoy bilaash ah.
Dhanka kale, sida ay qorayaal weriyeyaal ka tirsan wargayska Daily Mail, Qadar ayaa waxay “laaluushtey” 8 ciyaaryahan oo u safta Xulka Ecuador, lacag dhan 7.4 milyan oo Doollar, si ay u daayaan ciyaarta furitaanka ee Koobka Adduunka.
Sida ay xogtani sheegayso heshiisku waa 1-0, kaasoo ay Qadar dhalinayasn qaybta labaad ee ciyaarta, sida ay sheegeen 5 sarkaal oo ka kala tirsan xulalka Qadar iyo Ecuador.
Hadalsame Media
Facebook Comments