Gantaalkii ku dhacay Poland oo la sheegay inay rideen Ciidanka Ukraine

0

(Kyiv) 15 Nof 2022 – Gantaalo habow ah oo horay loo sheegay inuu Ruushku soo ridey ayaa u u gudbey dalka Poland Talaadadii shalay.

Labo qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay tuulo ku taal bariga Poland, taasoo keentay in xukuumadda Warsaw ay shir deg deg ah yeelato – halka 100-ka gantaal ee lagu weeraray Ukraine oo aad u darani ay xitaa korontadii ka jareen waddan saddexaad oo ah Moldova.

Qaraxa ka dhacay dalka Poland ayaa burburiyey cagaf cagaf taalley tuulada Przewodów, oo qiyaastii 40 mayl (65 km) u jirta xuduudda, xilli la weeraray magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine.

War haatan soo baxaya ayaa se sheegaya in gantaal ku dhacay tuulo ku taal Poland oo u dhow xuduudka Ukraine, kaasoo dilay laba qof, uu ahaa isku day lagu doonayey in lagu huriyo iska horimaad toos ah oo dhex mara Ruushka iyo NATO, sida uu sheegay Madaxa Joogtada ah ee Ruushka u jooga Qaramada Midoobey.

Waxaa se jirta fasiraad kale. Natiijooyinkii ugu horreeyey ee baaris la sameeyey ayaa sheegaya in gantaalka ay rideen ciidamada Ukraine mar ay doonayeen inay soo ridaan gantaal Ruushka ka imaanayey, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AP, oo soo xiganeysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Hadalsame Media