26.7 C
Mogadishu
Thursday, December 8, 2022
Home Arrimaha Caalamka Xog yaab leh oo kasoo korortay qaraxii Istanbul (Siyaasi 2 jeer soo...

Xog yaab leh oo kasoo korortay qaraxii Istanbul (Siyaasi 2 jeer soo wacay qofkii qaraxa dhigay)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 – Shabakad maxalli ah oo Turkiga ku taalla ayaa sheegtay in ruuxii qarxiyey Istanbul uu qaraxa kahor labo wicitaan taleefoon ka helay lambar uu watey sarkaal maxalli ah oo ka tirsan xisbiga wadaniga ah ee Turkiga ee MHP oo ka howlgala koonfurta bari ee magaalada Sirnak, sida uu sheegay Ragip Soylu oo ka tirsan MEE.

Mas’uulkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nambarka uusan isagu lahayn, balse uu samaystay qof magaciisa ku been-abuurtay kaddib markii uu footo koobbi ku xaday kaarkiisa aqoonsiga.

Waxaa laga shakisan yahay in mas’uulkan la sheegay in uusan horey uga hubinin nidaamka dowliga ah inuu jiro lambar aan la garanayn oo isaga u diiwaangashan, haddana waxaa caadi noqotay in la arko xubno xisbi iyo lambarro taleefan oo magacyo kala duwan loogu sameeyey qaab been abuur ah, gaar ahaan Koonfur-bari Turkiga.

Dad badan oo ku nool Turkiga ayaa arrintan u fasirtay wax taageeraya aragtida ah in weerarka Istanbul uu yahay shaqo aysan ka marnayn gacmo gudeed, taasoo laakiin u muuqata mid aan caqli gal ahayn.

Waayo, waa wax iska caadi ah in la arko qof looga shakisan yahay argagixisanimo oo soo wactama isagoo isticmaalaya nambarro ku samaysan aqoonsiyo la been abuuray.

Hadalsame Media

Facebook Comments