Maraykanka oo Ukraine uga dhaartay hub casri ah oo ay bilo raadinaysey (2 arrimood oo uu ka cabsaday)

0

(Muqdisho) 10 Nof 2022 –  Maamulka Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa diidey codsiyadii Kiev ee ahaa in la siiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah ee dalkaasi sameeyo, sababo la xiriira walaac laga qabo inay taasi sare u qaadi karto colaadda Ukraine, sida uu qorayo wargayska Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya ilo wargal ah.

Sida laga soo xigtey saraakiisha Maraykanka iyo dadka la socda arrimahan oo uu waraystay wargaysku, Maraykanku dalkaasi uma diri doono diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Grey Eagle MQ-1C ee ay Ukraine aad u codsanaysey muddo bilo ah.

Gargaarka millateri ee noocan ah, ayay yiraahdeen, “waxaa uu calaamad u noqon karaa in Moscow ay Maraykanka u aragto mid bixinaya hub bartilmaameedsan kara goobo ku yaalla gudaha Ruushka.”

Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale ka walaacsan in tignolojiyadda loo isticmaalo diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee uu isagu sameeyo, gaar ahaan bikaacyada casriga ah ee kaamarooyinku, ay ku dhici karaan gacmo khaldan, sida ay tiri warbixintu.

Bishii Sebtembar, koox laba geesood ah oo ka wada socda labada xisbi islamarkaana  xubno ka ah Congress-ka Maraykanka ayaa la sheegay inay ku adkeysteen in maamulka Biden uu Ukraine u diro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee joogga dhexe ku duula, kuwaas oo hawada ku jiri kara in ka badan 24 saacadood.

Hadalsame Media