Kooxda Shabaab oo bilaabay qaab cusub oo ay dakhli ku raadinayaan kaddib xannibaadihii DF

0

(Muqdisho) 10 Nof 2022 – Sida ku xusan warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobey, kooxda Al Shabaab ayaa haatan bilowday inay jeexdo wadiiqooyin cusub oo ay dakhli uga raadinayso gudaha dalka, iyadoo haatan diiradda saaraysa inay canshuuro u qaaddo qaabab cusub.

Khubaro ka tirsan QM ayaa sheegaya in haatan ay Shabaabku raadinayaan dhaqaale ay ku maalgeliyaan dagaalyahannooda oo haatan wajahaya dagaallo culus uga socdo furumo kala geddisan oo gudaha dalka ah kuwaasoo ay wadaan dadwaynaha iyo DF.

QM ayaa intaa raacisay in Al Shabaabku ay hadda samaysteen habab cusub oo aan ahayn kuwii soo jireenka ahaa ee ay u qaadi jireen lacagaha canshuuraha ee ay iyagu ku sheegaan Sakawaatka.

Waxay warbixinta QM sidoo kale sheegaysaa in weli Shabaabku ay awood u leeyihiin inay lacag u xawisho bangiyada gudaha dalka iyo xitaa kuwa dibedda, tiiyoo ay jirto inay DF Somalia ay xayirtay koontooyin badan oo ay kooxdu leedahay.

Sida ay haweenaydani sheegtay intaa uun lagagama harine waxaa markii taleefanka laga soo wacay kaddib looga yeeray maxkamad ay Shabaabku leeyihiin oo ku taalla duleedka Muqdisho, sida ay sheegtay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxdu ay bilowday inay lacago baad ah ka qaadato milkiilayaasha dhismayaasha iyo xitaa guryaha cusub ee haatan laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media