Muqdisho oo muujisay inay shacabku dhiirranayaan (Maxaa xalay halkaa ka dhacay?)

0

(Muqdisho) 10 Nof 2022 – Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa muujisay inay baraarugtay, waana guul horudhac ah.

Tusaale: xaafadayada xalay waxaa ka dhacay qiso naxdin, la yaab iyo geesinnimo wada leh.

Waxaa dhacday: Xilli ku aaddan abbaaro 8:00 habeennimo, ayaa waxaa jidadka teedka ah ee xaafadda soo dhex maray mooto bajaaj ay saaran yihiin: nin afduuban [oo la dili rabo] iyo labo nin oo bistooladleey ah, oo malaha nabaddiidka ah!

Ninkii afduubnaa, waa hee nin ay nafi waddee, wadkiina uusan geline, markii uu arkay meel xoogaa dadku ku badan yihiin, oo islaamo cunnooyinka fudfudud iyo caano ku iibiyaan, ayuu halmar ah iska tuuray bajaajtii, sidii wax dhulka laga goostayna waa u balway (qeyliyay)! “War waa i dili rabaan, war iga dhacsha” ayuu ku cilo-dhaamiyay.

Halmar ah, ayaa iyada oo aan lugu ballamin, se ay damiirka, dadnimada, islaamnimada iyo binu-addannimadu shaqeynayaan, ayaa nimankii lugu xoomay: mid ku orriya, mid dhagaxtuura iyo mid degmada iyo laamaha amniga hoos ka waca dadkii noqdeen.

Yaanan war kugu daaline, waxaa lugu guuleystay in ninkii la badbaadiyo, nimankii watay oo labo bistooladdood watayna gacanta laamaha amniga ay galaan, shacabkiina ammaan, bogaadin, geesinnimo ka helaan iyo in lugu ballamay: in hadda kaddib sidaan looga dabaaqo falalka gurracan ee ceynkaan ah.

Farriinta baraarugga bulsho waa fidday xitaa xaafadihiina waa gaartay.

W; D: Ing. Saalax Xiireey

Hadalsame Media