”Olole ballaaran ayaa lagu wadaa marti-gelinta KA” – Qadar oo xabsiga dhigtay saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Badda Hindiya

0

(Hadalsame) 08 Nof 2022 – Mas’uuliyiinta dalka Qadar ayaa xabsiga u taxaabay 8 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Hindiya oo howlgab ah oo ay ku jiraan labo taliye, kuwaasoo u shaqaynayay shirkad gaar loo leeyahay oo ku taal magaalada Dooxa.

Mid ka mid ah labada taliye ee hore ayaa la aqoonsaday inuu yahay Purnendu Tiwari kaasoo helay abaalmarinta Pravasi Bharatiya Samman Award sanadkii 2019-kii, taasoo uu u xirey Madaxwaynihii Hindiya ee xilligaas, Ram Nath Kovind.

Xariga saraakiishii hore ee Ciidamada Badda Hindiya oo aan sababteeda la sheegin ayaa soo shaac baxday kadib markii haweeney lagu magacaabo Dr Meetum Bhargava ay baraha bulshada ku wadaagtey qoraal arrintan la xiriira, iyadoo DF Hindiya ka codsatay inay deg deg ugu gurmato saraakiishan.

Waxay si ah u boorrisey Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, Wasiirka Arrimaha Dibadda S. Jaishankar, Wasiirka Difaaca Rajnath Singh iyo Wasiirka Batroolka Hardeep Puri iyo saraakiisha kale inay qaadaan tillaabooyin lagu soo celinayo raggan.

Waloow aan sababta la aqoonin misna Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa isla xilligaa sheegay hadal qish laga qaadan karo oo ku saabsan in Qadar lagu hayo “olole aysan waligeed u ban-bixin.”

Khudbad uu ka jeediyey furitaanka Golaha Shuurada, ayuu Amiirku ka yiri, “Tan iyo markii aanu ku guulaysanney marti-gelinta Koobka Adduunka, Qadar waxa lagu sameeyay olole aan horay loo arag oo aanu waddan martigelinaya la kulmin. Arrinta markii hore si niyad sami ah ayaanu ula falgalnay, xitaa waxa aanu u arkaynay in dhaliilaha qaar ay yihiin kuwo wanaagsan oo waxtar leh.”

Ragga la xirey oo dhan ayaa u shaqaynayey shirkadda gaarka ah ee Dahra Global Technologies and Consultancy oo ka shaqaysa tababarka ciidanka iyadoo leh takahsusyo ay ka mid yihiin isticmaalka agabka ciidanka.

Hadalsame Media