”8 sano ayay joogtey afkana ma taqaan” – Siyaasiyad Swedish oo weerar ku qaadday haweenka Soomaalida (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Nof 2022 – Waxaa marar badan doodaha heerka qaran iyo heer gobolba kusoo noqnoqda arrimo khuseeya Soomaalida oo aan runtii caawinaynin Soomaalida oo mararka qaar dareensan in si gaar ah loo beegsanayo, maadaama aysan inta badan caadi ka ahayn Sweden in la magac dhabo ummad gaar ah.

Haweenayda arrimaha sharciga ee socdaalka la xiriira u qaabilsan Xisbiga Midigta ee Moderat-ka oo haatan dalka Sweden xukuma, ayaa weerar toos ah ku qaadday Soomaalida.

Haweenaydan oo magaceeda la yiraahho Maria Malmer Stenergard, ayaa haweenka Soomaalida tusaale ugu soo qaadatay dhibka ka taagan kelmad siyaasad ahaan aad loo adeegsado balse aan si dhab ah wax looga qaban ee ”is dhexgalka.”

Waxay sheegtay inay dhowr bilood kahor ay booqatay dugsi lagu barto Afka Swedish-ka shisheeyaha ee loo yaqaan SFI-ga, kaddibna ay halkaa ku aragtay ”haweenay Soomaali ah oo  sanadood Sweden joogtey, balse aan weli afka baranin oo markii ugu horreeysey iskuulka timid.”

Waxay sababta ku sheegtay in haweenaydaasi ay ilmo isku xijinaysey taasoo keentay inay guriga uun iska joogto oo aysan fursad u helin inay ummadda dhexgasho, taasina ay tahay waxa keenaya ”soocnaanta” ummadaha qaar, sida ay tiri iyadoo la hadlaysa TV maxalli ah oo aad loo daawado.

Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa halka ay u socoto siyaasadda socdaalka nidaamka haatan ka jira dalka Sweden, iyadoo ay jiraan kiisas badan oo Soomaali markii ay isku dayeen in baasaboorka loo cusboonaysiiyo dood hor leh lagu furay iyo xitaa dad lagu yiri u imaada waraysi cusub ama dalka ka baxa.

Ururka Jaaliyadda Soomaalida oo laga rabo inay arrimahan oo kale la xaalaan ayaan iyaguna weli wax muuqda ka qabanin weerarka ku socda Soomaalida, iyadoo Soomaalida laftoodu ay dagan yihiin oo ay qof kasta iskaga warramaan iyagoo aan iska fiirin ajendaha uu wato.

Hadalsame Media