(Hadalsame) 08 Nof 2022 – 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗱𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗶𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮𝗯𝗮 𝗱𝗮𝗿𝗮𝗮𝘀𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗲𝗲𝘆𝗲𝘆 7- 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗼 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗼 𝗶𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮.
• 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 waxaa ka buuxo saliid caafimaadka u fiican, 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay waxa loo yaqaano 𝗙𝗮𝘁𝘁𝘆 𝗮𝗰𝗶𝗱, saliidda ka samaysan walxahaan faa’ido ayaa ugu jirto bini’aadanka, maxaa yeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan. Dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka 𝙌𝙪𝙢𝙗𝙖𝙝𝙖 markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo, markii dufanka 𝙌𝙪𝙢𝙗𝙖𝙝𝙖 tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka lalleemada.
• Waxaa jira qabaa’ilo daga qeyb ka mid ah wadanka New Zealand oo loo yaqaano “Tokelauans”, cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa la ogaaday in aanan lagu arkinba xanuunka wadna qabadka ama “heart attack” kaasoo ka yimaado xiddada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cunnada ay cunaan 60% uu yahay geedka 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮.
Waxaa kaloo diraasadaan sii xoojisay cilmibaaris lagu sameeyay qabiil kale oo daga “Papua New Guinea” oo loo yaqaano “Kitavans” iyagane laguma arag wax wadna xanuun ama stroke qabo, sababtuna waa geedka 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮, sidaas awgeed cunistiisa oo la badsado wuxuu nadiifiyaa marinnada dhiigga si uu uga hortago xinjir ku guntanto ama dufan xirto, sidaasne wuxuu ku yareeyaa halista wadna-qabadka iyo cudurka stroke-ga.
• 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 wuxuu ka mid yahay geedaha fara ku tiriska ah ee baruurta gubo sidaasne ku yareeyo cayilka, waxaa jirta diraaso ku talisay in haddii la qaato 15 illaa 30 gram oo 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗼 maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah, haddii aad rabtid in aad baruurta iska ridid, ku dadaal cunista qumbaha adigoo ka fogaado daawooyinka waxyeellada badan oo la sheego in cayilka lagu yareeyo.
• 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 waxaa ku jiro aashito loo yaqaano “Lauric Acid” aashitadaan ama dheecaankaan wuxuu awood 𝗘𝗲𝗯𝗯𝗲 u siiyay inuu dilo jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. Jeermisyada ay maadadaan disho waxaa ka mid ah bakteeriyo khatar badan oo loo yaqaano “Staphylococcus Aureus”, sidaas daraadeed dadka uu ku soo laalaabto cudurka ka-soo-baxa ama nabraha caabuq leh ee maqaarka ka soo baxo waa in ay badsadaan cunista 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮.
• 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 wuxuu kobciyaa dhambaallada maskaxda wuxuuna yareeyaa halista qallalka, sidaas daraadeed dadka qaba cudurka qallalka wuxuu qumbaha ka caawin karaa inuu yareeyo qallalka iyo dhicista, waxaana arrintaa lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay carruur qabtay cudurka qallalka oo cunno looga dhigay 𝗺𝗶𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮, carruurtaas waxaa ka mid ahaa kuwo daawada xitaa ay kontarooli waysay qallalka.
• Sida aan kor ku soo xusay, 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 wuxuu yareeyaa halista cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga, kaasoo dowr weyn ka ciyaaro in xididdada wadnaha ay xirmaan khaas ahaan dadka qabo cudurka macaanka.
• Saliidda 𝗤𝘂𝗺𝗯𝗮𝗵𝗮 waxay faa’iido badan u leedahay tinta.
W; D: Maxamed Abuukar Ma’da
Hadalsame Media