KUUR-GAL: Magaalada Muqdisho ma u baahan tahay ciidan “Macawisley” ah?!!

0

(Hadalsame) 09 Nof 2022 – Waxaa meelo ka tirsan dalka ka soconaya guluf ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo heer bulsho ah.

Dagaalkan oo meelo badan guulo ka sameeyey ayaa ku bilowday silac dilayn ay kooxdani sanado badan ka waddey gobollo dalka ka tirsan.

Ha yeeshee, waxay haatan dooddu soo gaartey in Muqdishana laga abaabulo ciidan “Macawisley” ah. Haddaba, Muqdisho ma u baahan tahay ciidan noocaas ah?

Inta aynaan waydiintaa ka af-naqin horta aan is waydiinno halka ay ka bilaabmaan ciidanka noocan ah iyo halka ay ku dhamaadaan? Jawaabtu waa ciidan beeleed.

Sidaa darteed, ciidan beeleed laga yaabee inay wax ka qaban karaan meelaha ay beelahaasi gaarka u deggan yihiin, taasoo weliba u baahan kormeer iyo qorshayn dowladeed, si aan caqabado kale uga dhalan meelaha la xoreeyo.

Ha yeeshee, magaalo caasimad ah oo haba lagu kala badnaadee uu joogo qof kasta oo Soomaali ah uma baahna “Macawisley” huwan magac beeleed.

Yeelkeede, taa biddaalkeeda waxay DF iyo Maamulka Gobolka Banaadir agaasimi karaan ciidamo madani ah oo qaab xaafadeed u abaabulan, kuwaas oo la socda wixii xaafad kasta ka dhacaya iyadoo loo samaynayo xarun dhexe, marka wax dhacaanna wixii ka saa’id caleeya ku wargeliya hay’adaha ammaanka oo iyagana laga doonayo inay saxaan habacsanaanta iyo daacad darrada lagu og yahay heer maamul iyo heer howleed intaba.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media