”Ilkohooda ayaan gacmaha u saarnay” – Nin uu Ruushku u magacaabay Maamulka Kherson oo dhintay kaddib haddalkan

0

(Hadalsame) 08 Nof 2022 – Ciidamada Ukraine oo isku dayayey inay qabsadaan magaalada Kherson ayaa ku guuldarraystay inay horumar kale sameeyaan, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gobolku.

Jiidda hore ee u dhow magaalada ayaa weli ah “mid adag laakiin xasilloon,” ayuu yiri Kirill Stremousov, ku xigeenka madaxa maamulka gobolka Kherson.

Gaar ahaan, ciidamada Ukraine “ilkohooda gacanta loo geliyey” intii lagu jirey dagaal ka dhacay meel u dhow magaalada Snigiryovka, ayuu sarkaalku ka sheegay baraha bulshada.

Talaadadii, Stremousov ayaa ka warbixiyey dagaal xooggan oo ka dhacay meel u dhow degaan qiyaastii 50km woqooyi ka xiga Kherson.

Ciidamada Kiev waxa u suurtagashay in ay la wareegaan goobo ku yaal woqooyiga magaalada kuwaasoo uu ku jiro jid tareen, ayuu yiri.

Sarkaalkan Ruushka ah ayaa xusay in Kiev laga yaabo in ay dhowaan tiiro dhigto awooddeeda weerar taasoo ay ugu wacan tahay ciidan yaraan.

Waxa uu ku andacoodey in Dowlada Ukraine ay ku khasban tahay in ay ku tiirsanaato dagaalyahannada ajaanibka ah ee la soo kiraysto si ay u riixdo dagaalka Kherson waxana uu saadaaliyey in maalgelintu ay yaraan doonto sabab la xiriirta isbeddelka awoodeed ee Washington kaddib doorasho dhexaadka.

Ninkan hadlaya oo ka tirsanaa madaxdii ay gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine ay Ruushku u magacaabeen, ayaa maanta ku dhintay shil gaari, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Hadalsame Media