Muuqaalka askari Ruush ah oo dhaawac ah oo bambooyin lala dhacayo oo soo baxay (Ha daawan haddii aad nugushay)

0

(Beijing) 08 Nof 2022 – Muuqaal argagax leh oo soo baxay ayaa muujinaya ciidamada Ukaine oo daroon ku weeraraya askari dhaawac ah oo Ruush meel ka tirsan Donbas.

Askarigan oo ay wararku sheegayaan inuu badbaadey, ayuu daroonku kusoo tuurayaa wax u eg bambada lidka-taangiga ee gacanta laga tuuro, balse marka uu ilaa laba jeer iska tuuro iyadoo aan weli qarxin ayay marka seddaxaad hortiisa ku qarxaysaa wuxuuna joojinayaa dhaqdhaqaaqa.

Arrintan ayaa ah dembi dagaal marka la eego Cahdiga Geneva maadaama askarigu uu dhaawac yahay islamarkaana aanu hubaysnayn, waxaana arrintan dayaacad ka dhan ah Ukraine ahaan u adeegsadey Ruushka.

Ruush ayaa sheegau in muuqaalkani sheegayo in “Ukraine ay ku faanayaan inay saddex bam gacmeed u isticmaaleen askari ka tirsan ciidanka Ruushka oo dhaawac ah, iyo in muuqaalkani muujinayo reer Ukraine ay u dilaan si madadaalo ah.”

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay soo baxayaan warar cusub oo ku saabsan khasaaraha lixaadka leh ee Ruushku ka geystay meelo gaar ah.

Weriyaha dagaalka ee TV-ga Dowladda Ruushka, Alexander Sladkov, oo daacad waalan u ah nidaamka dalkaasi, ayaa soo dhigay kanaalkiisa Telegram ayaa sheegay inuu dhiig badani ku daatay aagga Pavlovka ee gobolka Donetsk ee Ukraine, oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Kremlin-ku.

Dadwayne badan oo muuqaalkan daawaday oo ay ku jireen qaar taageersan xaqa ay Ukraine u leedahay inay is difaacdo ayaa falkan ku tilmaamay mid ”fulaynimo iyo falfalxumo muujinaya.”

Hadalsame Media