Laba sababood oo soo dedejisey iibinta kooxda Liverpool oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 07 Nof 2022 – Fashilka ku yimid hindisihii uu Maraykanku hoggaaminayey ee European Super League sanadka 2021-kii iyo Todd Boehly oo balaayiin Doollar ku iibsaday kooxda Chelsea ayaa lagu sheegay arrimaha waawayn ee keenay go’aankii ay Fenway Sports Group oo iska leh Liverpool ay dib ugu iibinayso.

Tartanka ESL ee leh qaabka MLS-ka Maraykanka ee lagu muransan yahay ayaa waxaa si wayn u taageeray naadiga Liverpool iyadoo burburka hindisahaas oo ay wehliso $ 5bilyan oo uu Blues ka iibsadey Boehly ay rajo gelisey milkiilayaasha FSG, sida lagu sheegay warbixin lagu faafiyey hilinka ESPN.

Milkiilaha Boston Red Sox – ayaa raadinaya inuu iibiyo saamiga ugu badan ee kooxdaasi kaddib 12 sano oo uu ku sugnaa Anfield, waxaana lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku iibiyo ku dhowaad ​​$ 4.58bilyan oo Doollar (£ 4bn).

Si kastaba ha ahaatee waxaa la soo jeediyey inay ku heli karaan wax aan ka badnayn $2.86bn (£ 2.5bn) waloow aysan khasaaro qabin maadaama ay kooxda ku iibsadeen kaliya $344m (£ 300m) 12 sano kahor, taasoo FSG siinaysa faa’iido badan maadaama ay leedahay saamiga ugu badan Liverpool.

Kooxdan oo ay haatan iibsade u raadinayaan bankiyada waawayn ee Goldman Sachs iyo Morgan Stanley, ayay taageerayaasha Liverpool soo dhoweeyeen in la iibiyo iyagoo Twitter-ka, iyagoo si wayn u dhaleeceeynayey dhowaanahanba dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee kooxda Reds. ”Hadda ayaan wax iibsan doonnaa.” ayuu midkood soo qoray.

Halkan ka aqri fal-celinta….

Hadalsame Media