Shiinaha oo maanta soo bandhigay diyaaraddii ugu horreeysey ee rakaab ah oo uu dhisay + Sawirro

0

(Beijing) 08 Nof 2022 – Shiinaha ayaa maanta soo bandhigay diyaaraddii ugu horreeysey ee gudaha dalkaasi laga sameeyo ee rakaabka qaada kaddib markii diyaaradda ay ansixiyeen nidaamiyeyaasha dalkaasi, iyada oo daaha ka rogtay noocan oo ah C919 oo lagu soo bandhigay carwo wayn oo cirka ah.

Diyaaraddan oo ah ayaa ku dhaqaaqday dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan iyadoo ka qaybgelaysa carwada caalamiga ah ee China International Aviation and Aerospace Exhibition, iyada oo ku dul wareegaysa cir daruuro badan hawada magaalada koonfurta ku taalla ee Zhuhai waqcad ay xaadireen boqollaal qof oo daawanayey.

Shiinaha ayaa rajaynaya in C919 – oo ay dhistay shirkadda ay dowladdu leedahay ee Commercial Aircraft Corp of China (COMAC) – ay la hardami doonto moodooyinka caalamiga ah sida Boeing 737 MAX oo Maraykanku dhiso iyo Airbus A320 oo Yurub ah.

Beijing ayaa sidoo kale rajaynaysa in diyaaraddan uu dalkeedu dhistay oo leh awood ganacsi oo balaaran ay uga maarmi doonaan ku tiirsanaanta dalkan ee tignoolajiyadda shisheeye xilli uu xiriirka wadamada reer Galbeedku uu sii xumaanayo – inkastoo inta badan qaybaha kabka diyaaraddan weli laga keeno dibedda.

Nidaamiyeyaasha Shiinaha ayaa rukhsadda siiyey diyaaradda C919 bishii Sebtembar, iyadoo uu Madaxwayne Xi Jinping bogaadiyey mashruucan oo uu ku sheegay “guul qanaaco leh” iyo “dadaal lagu xoojinayo rabitaanka dalka.”

Hadalsame Media