Wargays caalami ah oo sharraxay ujeedka ka dambeeya ciidamo si qarsoodi ah looga qorayo Muqdisho

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – Bartamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa ka socda qorshe qarsoodi ah oo ay wadaan Imaaraatka Carabta & Masar  oo lagu qoranayo laguna tababarayo ku dhowaad ​​3,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, sida ay ilo-wareedyo badani u sheegeen warqaadka Middle East Eye.

Qorshahan oo bilowday bilo kahor, ayaa dhallinyarada la qorayey oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 28 jir, loogu ballanqaaday in ay heli doonaan shaqooyin ay ku helaan mushaar fiican, iyadoo qaar badan oo ka mid ah horay loogu diray dalka Masar si ay u soo qaataan tababar ciidan, kuwaasoo uu kharashkooda Imaaraadka bixinayo.

Hindisahan waxa ay u badan tahay inuu ka shakiyo dalka dariska la ah Somalia ee Itoobiya, kaasoo haatan khilaaf joogto ihi uu kala dhexeeyo Qaahira kaasoo ku saabsan Mashruuca Biyo-xireenka Wayn ee Itoobiya, waxaa sidoo kale shakisan dalalka Turkiga iyo Qadar, kuwaas oo labaduba ku naalloonayey saamaynta ay Soomaaliya ku leeyihiin sannadihii u dambeeyey.

“Ku dhowaad ​​120 naga mid ah ayaa laga soo qoray Baydhabo bartamihii bishii Sebtembar, waxaana nalaku wargeliyey in naloo qaadi doono tababar dalka Masar ah.” ayuu yiri nin magaciisa Maxamed lagu kooban oo la hadlay MEE.

Waxaan la ogaadey in ciidamadan loo ballanqaaday mushaar dhan $500 bishiiba”, iyadoo dadka laga soo qorayo kuwa danyarta ah sida wiil la yiraahdo Cabdullaahi oo MEE u sheegay inuu ka welwelsan yahay walaalkii ka yar, oo uu codsaday inaan la magacaabin, kaasoo gaari-gacanle ahaa islamarkaana 28-jir ah.

Si ka duwan ciidamada Soomaaliya jooga ee uu sida cad ee loo wada jeedo u tababaray Turkigu, ciidankan ay Imaaraatka iyo Masar qoranayaan ayaa ku socda si qarsoodi ah, iyadoo gawaari looga soo qaaday Wershaddii Nacnaca kaddibna loo qaado Damaayo si loogu qaado Masar oo durba qaar la geeyey.

UJEEDKA – Lama oga danta ciidankan laga leeyahay ilaa haatan iyadoo fikrado badani ay jiraan, balse Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, ayaa qaba in lagu fowdaynayo dalka Turkiga oo si fiican u wada tababarka ciidamada Somalia, waana tillaabo istaraatijiyad ahaan khaldan in DF ay ogolaato fashilinta aragti dalka u shaqaynaysa iyadoo la qancinayo qof aan wax biddaal ah kuu haynin.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media