Sweden oo ugu dambayn si rasmi ah u aqbashay shuruudihii uu Turkigu ku xirey

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden, Tobias Billström, ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee Sweden ay iska fogayn doonto la macaamilka kooxda YPG oo ah garabka ciidan ee ururka argagixisada ah ee PKK xilli ay Stockholm doonayso ogolaanshaha Türkiye si ay NATO ugu biiraan.

“Waxay ila tahay inay muhiim tahay in ururkan ay Sweden iska fogayso” ayuu Billström u sheegay idaacada Sveriges Radio kaddib markii wax laga waydiiyey diiwaanka kooxda YPG iyo waxa ay ka yeelayaan.

“Waxaan u malaynaynaa inay jiraan shakiyo iyo dhibaatooyin ku saabsan kuwa dhaawacaya xiriirka Turkiga,” ayuu raaciyey.

Billström ayaa si adag u dhaleeceeyey laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet oo walfinaya calamada ururka argagixisada ee PKK iyagoo jooga xarunta dowladda hoose. Wasiirka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“Siyaasiyiinta xisbiga Vänsterpartiet ee isku sawiraya PKK golaha degaanka Malmö. Waa mid halis ah oo aan la aqbali karin. PKK waa urur argagixiso ah, hab-dhaqanka noocan oo kale ahna kama tirsana dimuqraadiyadda.”

PKK waa urur argagixisanimo oo loo aqoonsan yahay gudaha Maraykanka, Turkiga iyo Midowga Yurub.

Hadalsame Media