Nin gobol kale ka yimid oo aad ula yaabay arrin uu Kismaayo kusoo arkay

0

(Hadalsame) 06 Nof 2022 – Wadaad reer Mudug ah oo 1980aadkii Kismaayo deggenaa ayaa yiri waxaan reer Kismaayoodka ka arkay arrin yaab leh.

Shiikh ayaa masaajid ka bilaabaya kitaab diiddan in qubuurta lagu dawaafo ama awliyada la baryo. Mid reer Kismaayo ah ayaa sannad ka badan habeen walba nalalka u shidaya oo shiikha gogosha u dhigaya.

Maalin dambe ayaa kii reer Kismaayoodka ahaa dhawr maalmood maqnaanayaa. Markuu soo noqdo ayaa la yiraahdaa xaggee ku maqnayd. Wuxuu leeyahay “Siyaaradii Biyooleey aan aaday.

Shiikhoow haddaa arki laheed meeshaas waxa khayr iyo digri yaalley waa iska khushuuci laheed. Waa ka soo duceesanay, waa ka sooo barakeesaney!”

Wuxuu yiri reer Kismaayoodka hadalka shiikha intay rabaanna waa kala baxaan intay rabaanna ma yeelaan laakiin buuq ma sameeyaan.

Wuxuu yiri annaga Gaalkacyo arrinta subixii bilaabata galabtii dhinac ayey u dhacdaa.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media