“Fadlan iska jooga!” – Shirkad diyaaradeed oo bilowday inay dadka buuran duullimaadkeeda ka reebto + Sababta

0

(Hadalsame) 05 Nof 2022 – United Airlines, oo ah diyaaradda saddexaad ee ugu wayn Mareykanka, ayaa lagu soo warramayaa in ay awoodi waydey in ay iibiso qaar ka mid ah kuraasteeda sabab la xiriirta miisaanka celceliska ee sii kordhaya ee rakaabka Maraykanka.

Shirkaddank waxay bilowday inay xannibaan saddex ilaa lix kursi oo ku dhexe ah mid kasta oo ka mid ah diyaaradaheeda Boeing 757 horraantii toddobaadkan, sida laga soo xigtey bogagga safarka ka hadla ee Live iyo Let’s Fly.

“Isbeddelkan ku meel gaarka ihi waa natiijada kororka celceliska miisaanka macaamiisha ee xilliga jiilaalka sida ay u qortay hay’adda FAA (Wakaaladda Duullimaadyada Federaalka),” ayay tiri shirkaddu, sida laga soo xigtry website-ka.

FAA ayaa waxay ku soo rogtaa xaddidaado dhanka miisaanka ah iyo shuruudaha dheellitirka shirkadaha diyaaradaha.

Kuraasta ayaa lagu daboolay calaamado-casaan ah iyo qoraal leh: “Kursigani ma shaqaynayo – ha ku fadhiisan.” Suunka kursiga ayaa sidoo kale si is dhaaf ah la iskugu xirey.

United waxay ku khasbanaan doontaa inay kuraasta ka ilaaliso inay dadka buuran ka iibiso ilaa Abriil 30, maadaama FAA ay uga baahan tahay shirkadaha diyaaradaha inay qiimeeyaan celceliska culayska rakaabka inta lagu jiro bilaha jiilaalka, markaasoo ay dadku xirtaan dhar ka culus intii hore.

Hadalsame Media