Dad ku le’dahay gudaha dalka Ruushka iyo Qaar kale oo la daad gureeyey (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 05 Nof 2022 – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku naf waayey dab xooggan oo ka kacay goob lagu caweeyo saacadihii hore ee Sabtidan maanta magaalada Kostroma ee dalka Ruushka.

Maamulka degaanka ayaa ka shakisan in qurxin lagu samaynayey saqafka uu dabku ka kacay kaddib markii qof lagu sheegay milkiilaha goobtu uu ridey bulallayr.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal uu ka horreeyey musiibadaasi dhacday.

“Waqtigan xaadirka ah, dhammaan naadiga ‘Poligon’ waa la baaray, haraagii dabka se weli lama nadiifin meelaha qaarkood,” ayuu yiri wakiil ka tirsan adeegyada deg degga ah ee maxalliga ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee TASS.

Wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan “13 qofi ayaa ku dhintay dabka”, halka 250 qof oo kalaabka joogey iyo 13 deris la ahaa la daad gureeyey.

Barasaabka gobolka Kostroma, Sergey Sitnikov, ayaa Telegram ku xaqiijiyey tirada dhimashada, isagoo intaa ku daray in shan qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo aan u baahnayn isbitaal.

Hadalsame Media