Ukraine oo inta badan internet la’aan ah & Dalab ay u gudbiyeen Ingiriiska oo laga diidey

0

(Hadalsame) 05 Nof 2022 – Ilaa 1,300 oo ah dayax-gacmeedyada Starlink ayaa khadka ka baxay dalka Ukraine sabab la xiriirta ku guuldaraysiga bixinta biilasha internet-ka ee millaterigu isticmaalo, taasoo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in waddanku uusan awoodi doonin inuu bixiyo adeegga dayax-gacmeedkan ee qaaliga ah, sida ay laba ilood oo xog ogaal ihi u sheegeen NN Jimcihii.

Terminaalladan, ayaa waxay bilaabeen inay hawada ka baxan (offline) wixii ka bilowdey Oktoobar 24, sabab la xiriirta maalgelin la’aan, taasoo keentay “dhibaato wayn” oo ku dhacday isgaarsiinta millateriga Kiev.

Wasaaradda Difaaca Ukraine, ayaa iyada oo ka warqabta lacagaha lagu leeyahay iyo in aanay awood u lahayn in ay bixiso, waxay UK ka codsatay 3.25 milyan oo Doollar si ay u daboosho kharashkii bishiiba laga rabo. Hase ahaatee, codsigaas waa la diidey.

Shirkadda iska leh nidaamkan Starlink ee SpaceX ayaa u digtay Pentagon bishii Sebtembar iyadoo u sheegtay in aysan sii bixin karin kharashka isticmaalka Starlink ee Ukraine, iyada oo waydiisatey Washington inay bixiso biilka, sida uu sheegay CNN.

Ku dhowaad ​​​​25,000 oo ah Terminaallada Starlink ee Ukraine, ayuu milkilaha Elon Musk waxa uu ku qiyaasay isticmaalka millaateriga ee adeeggan uu ku kici doono ku dhowaad ​​$400 milyan oo Doollar 12-ka bilood ee soo socda.

Dhanka kale, Elon Musk oo ay si toos ah u aflagaadeeyeen siyaasiyiinta ka tirsan Dowladda Ukraine kaddib markii uu ku baaqay inay dhul ka tanaasulaan ayaan la ogayn inuu tan uga aarsanayo iyo in kale.

Hadalsame Media