Reer Galbeedka oo qiray inay Ruushka wax uga teri la’yihiin cunaqabataynta (Dalalka Galbeedka ah ee ka gata?)

0

(Moscow) 04 Nof 2022 – Dhoofinta gaaska dabiiciga ah (LNG) ee Ruushka ayaa kor u kacday bishii Oktoobar inkasta oo ay reer Galbeedku riixayeen inay joojiyaan ku tiirsanaanta sahayda tamarta ee dalkaasi oo ay cunaqabatayn saareen, xogta la socodka maraakiibta ee ay soo ururisay Bloomberg ayaa sidaa muujisay Arbacadii.

Gaaska LNG ee uu dhoofiyo ayaa bishii hore waxay kor u kacday 1.1% tan iyo bishii Maarso, in kasta oo ay jiraan dadaallo ay sameeyeen wadamada reer Galbeedka si ay u joojiyaan ku tiirsanaanta gaaska Ruushka.

In kasta oo gaaska aadka loo qaboojiyey aan la cunaqabatayn, misna qaar ka mid ah iibsadayaasha ayaa la sheegay inay ka fogaanayeen sahayda tamarta Ruushka.

Yeelkeede, dhoofinta LNG ee dalka ayaa kor u kacday kahor xilliga jiilaalka, markaasoo cimilada qabow ee la socota la filayo in ay kordhiso baahida oo ay cadaadis dheeri ah saarto sahayda caalamiga ah.

Faransiiska, Japan, iyo Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ugu sarreeya ee iibsada gaaska Ruushka ee LNG, marka loo eego xogta dabagalka ah, taas oo sidoo kale muujisay in ku dhowaad kala bar shixnado hor lihi ay hadda ku sii jeedaan macaamiishan.

Hadalsame Media