“Shacabkeenna ayaaba baahan” – Shacabka Kenya oo caro ka muujiyey cunto yar oo Somalia la siiyey

0

(Nairobi) 04 Nof 2022 – Dowladda Kenya oo ka shidaal qaadanaysa wareegto ka timid Madaxwaynaha iyo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Xoogga Kenya, Dr. William Samoei Ruto, ayaa maanta Dowladda Soomaaliya gaarsiiyey diyaarad sidda gargaar deg deg ah, kaddib qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Al Shabaab gaysateen kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Shixnadda ay Kenya soo gaarsiiyeen dalka oo ka timid Ciidamada Difaaca Kenya ayaa waxaa ay isugu jirtey Raashin kala duwan oo ay ka mid yihiin;

Hilib lo’aad, Baradhada qallalan, Basasha, Rooti, ​​dabacasaha ama karootada, Khudaarta isku dhafka ah ee laga keenay Wershadda Soo saarista Cuntada gasacadaysan ee KDF iwm.

Sidoo kale waxaa xirmada ku jirey dawooyin kala duwan oo ka yimid Agaasinka Adeegyada Caafimaadka ee isla millateriga KDF iyadoo loo qorsheeyey in dib loogu qaybiyo isbitaallada Soomaaliyeed ee wax u qabanaya dhibanayaasha weerarkaasi argagixso.

Ha yeeshee, shacabka Kenya ayaa fal-celin aan inta badan fiicnayn ka bixiyey gargaarkan kooban ee Somalia la gaarsiiyey.

Cheche Kanavule ayaa ku dooday in shacabka Kenya “oo inta badan macluulayaa ay kaalmadan istaahilaan.”

Omondi Nango ayaa qaba in “Kenya ay la mid tahay sidii qof isagu dhiig baxaya oo dhiig shubaya.”

Victor Osiga ayaa soo jeediyey in tani ay “jees jees ku tahay Keenyaanka ku gaajoonaya Turkana , Kajiado , Mandera , Garissa IWM oo aan Dowladda muhim u ahayn”, sida uu qabo.

Somalia ayaa 60 sano oo ay xor tahay aan marna gaarin wax isku fillaan ah, waloow aysan gaarin meesha ay haatan joogto oo dhibka ugu darani yahay nidaam wax ku ool ah oo aan jirin.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media