Van Dijk oo sheegay weeraryahanka uu raacistiisa ugu neceb yahay + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Nof 2022 – Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa u doortay weeraryahanka AC Milan ee Olivier Giroud laacibkii ugu adkaa ee uu wajaho.

Olivier Giroud haatan hubanti ahaan waa mid ka mid tiirarka Milan ee aan la dafiri karin. Hal xilli iyo bar oo uu joogo, weeraryahanka Faransiiska ah ayaa ku guuleystay inuu hanto taageerayaasha kooxda Casaan Madowga, isagoo ka muuqda kulamada adag.

36 jirkan ayaa Milan yimid iyadoo uu shaki badani ku xeeran yahay sababtoo ah waxaa loo arkayey mid aad u “da’ wayn” laakiin waxa uu Faransiiskani muujiyey inuu wali yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu xoogan.

Olivier Giroud ayaa dhaliyey gool muhim kuwaas oo uu ku go’aamiyay kulamo muhiim ah. Kulankii ugu dambeeyey kulamo ay ugu dambaysey tii ay la ciyaareen Red Bull Salzburg ee go’aamisey u gudbida wareegga 16-ka ee Champions League waana tusaale kale oo muhiim ah.

Giroud ayaa dhaliyay labo gool, waxaana uu caawiyey ama dhigay labada gool ee kale kulankaas oo ay Milan 4-0 ku badisay kulankii 2aad ee xiriir ah CL.

AC Milan ayaa durba ka hadlaysa heshiis kordhinta Giroud. Heshiiska Olivier ee haatan waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin 12 gool oo uu dhaliyey 17 kulan, dhaqaaqa Milan waa mid la fahmi karo.

Halka hadalka Virgil Van Dijk uu sheegay ee ku saabsanaa Giroud uu kaliya dib u xaqiijinayo saxnaanta go’aanka Milan.

Hadalsame Media