Siyaasi farta ku fiiqay arrin keeni karta dhibaato MAALIYADEED balse ay ogolaatay DF Somalia

0

(Hadalsame) 29 Okt 2022 – Siyaasiga Max’ed Cabdi Waare oo sidoo kale mar madax ka noqday Maamul-goboleedka Hirshabeelle, ayaa ka digey arrin keeni karta dhibaato maaliyadeed.

”Tani ma aha mid ku saabsan Mybank Ltd. Tani waxay si toos ah uga socotaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Oggolaanshihiisa in bangiyadu ay akoonno u furan karaan qof kasta, iyada oo aan la waafaqaynin wax aqoonsi ah oo ay dawladdu bixisay,” ayuu ku bilaabay Waare.

”Waxay la mid tahay caawinta iyo dhiirrigelinta lacag-dhaqidda, iyo haa, argagixisanimada. Wejigiin gubay!” ayuu raaciyey.

Somalia ayaan lahayn hab-raac maaliyadeed oo dhowran taasoo sahasha inay dhacaan dembiyo badan oo maaliyadeed oo kala duwan oo ay ka mid tahay in la isu diri karo lacago lagu fulinayo arrimo dembi ah ama ammaanka halis ku ah.

Hadalsame Media