2 dhacdo oo dhiillaysan oo dhacay hadda kahor 2 mar oo ay horyaalka qaadday kooxda Gaadiidku + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Okt 2022 – Kooxda Gaadiidka ee ka ciyaarta Horyaalka Soomaaliya ayaa shalay hanatay horyaalka kaddib markii ay si xarrago leh 4-0 u dirtay kooxda Jasiira.

Haddaba, waxaa jirta taariikh cajiib ah oo ay leedahay kooxda Gaadiidka oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn dalka Soomaaliya oo aad looga jecel yahay kubbada cagta, waana in 2 jeer oo ay horyaalka qaadday ay dhaceen arrimo naxdin leh oo wax ka bedeley siyaasadda dalka.

Tusaale, fasal-ciyaareedkii 1968-69, Gaadiidka ayaa ku guulaysatey Horyaalka Soomaaliya, maalmo kaddib se waxaa si qorshaysan loo khaarajiyey Madaxwaynihii dalka ee xilligaasi, C/rashiid Cali Sharmaarke (AUN) weliba waxaa la sheegaa inay 3 maalmood u dhexeeyeen 12 oo ay qaadeen iyo 15-kii Oktoobar oo uu dilku dhacay, taasoo uu xigey afgembi aanu dhiig bilowgii ku daadan, balse horseeday foowdada ilaa maanta dalka ka aloosan ee uu nin kasta kursiga xoog ku raadinayo.

Mar kale, fasal-ciyaareedkii 1989-90, kooxda Gaadiidka ayaa qaadday Horyaalka Soomaaliya, waxaana dalka ka bilowday dagaallada lagu hoobtay ee burburka inoo keenay welina sii socda.

Haatan, 2021-2022, Gaadiidka ayaa ku guulaysatey horyaalka Soomaaliya, balse micnuhu ma aha inay wax xumi dhacayaan, kaliya waa xusuusin uun, maadaama aan labada dhacdo waxba laga saari karin guusha Gaadiidka, balse ay isku beegmeen.

Hadalsame Media