Murugada la moog yahay ee ku hareeraysan geerida Max’ed Ciise Koonaa

0

(Muqdisho) 29 Okt 2022 – Waxaa 2 qarax oo is xigtey lala eegtay Wasaaradda Waxbarashada DF Somalia, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad shacab ihi.

Waxaa dadka ku dhintay ka mid ag Allaha u naxariistee weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ka tirsanaa saxafiyiinta Muqdisho gaar ahaan Universal TV, Taliyihii Booliiska Hodan iyo shacab kale.

Ha yeeshee, Maxamad Ciise waxaa geeridiisa wehlisa murugooyin kasii horreeyey, waayo aabihiis iyo hooyadiis waxaa horay u dilay dablay hubaysan.

Halka wiilkii kaliya ee la dhashay ee Mahad Ciise (AUN) ay isna ay tuugo hubaysani ku dileen dalka Koonfur Afrika.

Qoraalkan hoose waxaa markii walaalkii la diley 12kii Luulyo 2021-kii qoray isla Maxamed Ciise, wuxuu ku bilaabay:

Maalin Madow – Walaalkay Mahad Ciise xasan Mahad Kumando ilaah janadiisa ha geeyo, kuwii iga dilayna Illaah ayaa ka abaal marin doona.

Sidaan oo kale ayaa hooyaday iyo aabahay loogu dilay xabad anoo yar maantana wiilkii kaliya ee ila dhashay ee isku aabe iyo isku hooyo ahayn ayaa burcad ma naxaana ah ku dileen Koofur Afrika.

Mahad waxa uu ka lahaa nolosha mustaqbal ifaya laakiin tii Alle ayan laga baxsanayn.

Walaalaha, ehelka ila soo hadlay waan idinka raalligelinaa fariimihiinna kama jawabi karo xaaladda aan kujiro darteed.

Wuxuu jeclaa inuu arko ilma aan dhalay oo uu adeer yiraa laakiin ma dhicin Ilaah ha kugu abaal mariyo janooyinkiisa.

Iigu duceeya walaalkay mahad inuu jannada Ilaah ku irsaaqo.

Ugu dambaynna Maxamad Ciise Koonaa (AUN) ayaa isagiina maanta naftiisa ku waayey qaraxa dhacay. انا لله وانا اليه راجعون

Hadalsame Media