Nin Soomaali ah xaaskiisa ku diley Maraykanka oo xabsi daa’in lagu xukumay

0

(San Diego, CA) 29 Okt 2022 – Waxaa shalay xabsi daa’in lagu xukumay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdicasiis Khayrrow oo ay da’diisu tahay 46-jir.

Ninkan oo Soomaali ah ayaa waxa uu dilay Muna Salaad Kuri oo ay da’deedu ahayd 36 jir somaliyad ah taasoo ahayd xaaskiisa iyadoo uu dilku ka dhacay magaalada SAN DIEGO ee Gobolka California bishii 4-tii Maarso 2019-kii.

Muna oo lagu dhex dilay gurigeeda ayaa ahayd qof ka mid ah horseedka Soomaalida ah ee magaalada oo ay ka shaqaysan jirtey kuna lahayd ganacsiyo kala duwan, waxaana markii uu dilka gaystey uu u baxsaday dalka Panama ee bartamaha Ameerika.

Waxaana la soo qabtay isla bishii Maarso 20-keedii iyadoo ay bulshada Soomaaliyeed ku xusuustaan heestii ”Isma oran” oo uu qaadayey isaga oo xaaskiisan uu khaarajiyey oo baabuur ay heestu ka daaran tahay saaran.

W; D: Cabdixakiim Cusmaan Nuur

Hadalsame Media