Goorma ayay Somalia horumarka ugu WAYN ka samaysay dhanka qaan-cafinta goormaase go’aanka la sugayaa? (QM oo shaacisay)

0

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, ayaa mar uu ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey maalinta QM, wuxuu sidoo kale soo hadalqaaday arrimaha qaan-cafinta Somalia.

Wuxuu sharraxay sida ay QM uga go’an tahay inay ka jawaabto baahiyaha naf-badbaadinta deg degga ah ee Soomaalida, balse sidoo kale ay ka shaqeeynayaan sidii ay u horumarin lahaayeen awooddooda mustaqbalka ee dalka, iyo awoodda uu waddanku u leeyahay inuu soo saaro tas-hiilaad uu wax uga qabto shuruudaha ku hoos jira barnaamijka dalalka qaamaha qaba ee saboolka ah ee HIPC.

Hindisaha HIPC waxaa sanadkii 1996-kii bilaabay  Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ujeeddaduna waxay tahay in la hubiyo in waddan sabool ihi uusan la kulmin culays daymeed oo uusan maamuli karin. Waxay isu keentaa xubnaha beesha caalamka ee maaliyadda, kuwaasoo ay ku jiraan ururrada caalamiga ah iyo dowladaha, si ay uga wada shaqeeyaan hoos u dhigista culayska daynta ilaa heerar waari kara marka la eego dalalka saboolka ah ee daymaha badan lagu leeyahay, oo ay ku jirto Soomaaliya.

”Marka la eego baaxadda horumarka, dalalku waxay u baahan yihiin inay gaaraan waxa loogu yeero ‘Barta Go’aanka’, tillaabadaas oo lagu xaqiijinayo u-qalmitaanka waddan u helayo dayn-cafinta, iyo in xiriirka uu la leeyahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si buuxda dib loogu habeeyo. Soomaaliya ayaa heerkaas gaartey Maarso 2020-kii,” ayuu yiri Swan.

”Tillaabada labaad waxaa loo yaqaan ‘Barta Dhamaystirka’ oo ah in waddanku uu buuxiyo shuruudo gaar ah, oo ay ku jiraan dib-u-habaynno, kaddib marka uu helo dhimis qaameed buuxda oo aan laga laaban karin ee daynta la heli karo.” ayuu daba dhigay James Swan.

Wuxuu intaa raaciyey in faallooyinkii ugu dambeeyey ee ay bixiyeen saraakiisha IMF waxay tilmaameen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadayso dadaallada ay ku aaddan geeddi-socodka dayn-cafinta ee barnaamijka HIPC, waxaana Barta Dhamaystirku ay u muuqataa mid ay macquul tahay in la gaaro dhammaadka 2023-ka ee soo aaddan.

Hadalsame Media