James Swan oo ka tegaya Somalia & Qofka bedelaya oo uu afkiisa ku sheegay

0
SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay inuu u dhamaaday muddo-xileedkiisii islamarkaana la bedeli doono.

Swan oo Somalia ku sugnaa muddo 3 sanadood iyo bilo ah, ayaa sidoo kale afkiisa ku sheegay qofka bedelaya mar uu warbaahinta kula hadlayey Muqdisho iyada oo la xusayo Maalinta QM.

”Waxaa xilkayga la wareegaysa Anita Kiki Gbeho, oo haatan ah Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (DSRSG) ee Soomaaliya.” ayuu warfidiyeenka u sheegay Swan oo Somalia ku tilmaamay dal leh mustaqbal ifaya iyo rajo haddii lasii wado dowlad-dhisidda.

Anita Kiki Gbeho, waa diblomaasiyad 58-jir ah oo u dhalatay dalka Ghana ee Galbeedka Afrika, waxayna sheegtay inay Somalia si wanaagsan u taqaanno maadaama ay ka galaa baxaysey muddo sanadood ah.

Swan wax sharraxaad ah kama bixin sababta loo bedelayo inay la xiriirto cillad jirta iyo inay iska tahay nidaamkii caadiga ahaa (routinal), balse wuxuu sheegay inuu haatan wanaagsan yahay xiriirka DF Somalia iyo QM.

James Swan ayaa xilka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (DSRSG) ee Soomaaliya la wareegey 30-kii Maajo 2019-kii, xilligaasoo uu bedeley Nicholas Haysom oo ay cayrisey xukuumaddii RW Khayrre.

Hadalsame Media