Norway oo taageero naadir ah u muujisay Ruushka (Hal arrin oo ay qirtay inay ka faa’iiddey)

0

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – Norway ayaa kasoo horjeesatey soo jeedinta Midowga Yurub ee ah in xadidaad dhanka qiimaha loo sameeyo gaaska dabiiciga ah ee Ruushka, sida ay sheegtay wasaaradda Shidaalka iyo Tamarta ee dalkaasi.

“Tani waxay sii xumayn kartaa dhibaatadii ay Yurub horay u wajahaysey, oo ah gaas yaraanta,” ayuu yiri Stein Grimsrud, oo ah afhayeenka Wasaaradda, kaasoo la hadlay warbaahinta Izvestia.

Norway ayaa noqotay waddan muhim u ah Midowga Yurub dhanka gaaska kaddib markii qulqulka gaaska Ruushku uu yaraaday cunaqabatayn iyo cillado farsamo awgood.

Saamiga gaaska ee EU-da lagaga keeno Ruushka ayaa hoos uga dhacay 41% isagoo hadda jooga ilaa 9% oo qura tan iyo bilowgii sanadkan, sida ay dhowaan sheegtay Madaxa Tamarta Yurub, Kadri Simson.

Xagaagan Oslo waxa ay ansixisay ogolaanshaha soo saarista gaasta todoba goobood oo cusub oo xeebaha ka baxsan si loo kordhiyo wax soo saarka gaaska 2022 8% marka la barbar dhigo 2021.

Norway waxay ahaan jirtey dalka labaad ee ugu wayn ee EU gaaska siiya, iyadoo dabooli jirtey ku dhowaad ​​20% baahiyaheeda. Xagaagan se Oslo waxay bixisay ogolaanshaha soo saarista gaaska todoba ceel oo cusub oo dhaca dhanka xeebaha si loo kordhiyo wax soo saarka gaaska sanadkan 2022 ilaa 8% marka la barbar dhigo 2021-kii.

Wasaaraddu waxa kale oo ay xaqiijisay in ay qorshaynayso in ku dhowaad ​​122 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaaas ah ay siiso Midowga Yurub sanadkan. Marka la barbardhigo, kahor 2022.

Ruushku wuxuu EU siin jiray ilaa 130 bilyan oo mitir kiyuub oo ku iman jirey dhuumaha ka yimaada Ruuushka iyo 20 bilyan oo mitir kiyuub oo ku iman jirey qaabka gaaska dareeraha loo rogey ee LNG sannad kasta.

Hadalsame Media